AKHRISO :Kulan Carro Ku Dhammaaday Oo Goordhow Dhexmaray Farmaajo Iyo Kheyre

Warar hoose oo aan goor dhow ka helnay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan carro ku dhammaaday uu dhexmaray madaxweynaha dowladda Federaalka Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo ayaa xafiiskiisa ugu wacay Kheyre, wuxuuna uu doonayey inuu kala hadlay siyaasadda qasan ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Xasan Kheyre inuu qaboojiyo xaaladda jirta, islamarkaana uu joojiyo dedaalka uu ku doonayo in Jawaari lagu eryo.

Hase ahaatee Kheyre ayaa naloo sheegay inuu madaxweynaha usheegay in haddii uu Jawaari badbaado uu isaga maqan yahay, sidaasi darteedna uu difaacanayo kursigiisa.

Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka ay niyad jabeen, islamarkaana aanu garaneyn tallaabo uu qaado, maadaama howlihii dowladda dhan ay curyaameen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Farmaajo in uusan dooneyn sii socoshada mooshinnadan iyo sidoo kale is ugaarsiga xukuumadda iyo Golaha shacabka.

Kheyre ayaa si walbo diidday talooyinkii loo soo jeediyey, iyadoo kulanka isku bedalay mid carro ayaana lagu kala tagay.

La soco xogahan waxa kusoo kordha:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA