Xildhibaanada Mooshinka ka Wada Jawaari oo si kulul kaga Jawaabay inuu Burburay Mooshinka

Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hor yimid go`aankii ka soo yeeray Gudiga Badbaadada Golaha shacabka ee ku aadanay in uu jabay ama buray Mooshinka ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, kaas oo ay u cuskadeen buriddiisa in uu dhaafay waqtigii 10ka maal mood ahaa ee loo madalsanay in lagu dhameeyo muranka iyo is qab qabsiga la xariira arimaha Mooshinka, basle uu dhaafay waqtigaasi isla markaana uu yahay mid Bura

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Deeriye oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa sheegtay in hadalka ka soo baxay Gudiga badbaadinta Golaha Shacabka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaan uu halkiisii yahay Mooshinka laga geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo badanayay hadalada isbeeneenta ah ee ay isu jeedinayaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba, lama oga qaabka uu ku dhamaan doono Khilaafka siyaadsadeed ee hareeyay hay`ada sharci fulinta iyo sharci dajinta, iyadoona xaalada ay u muuqato mid mugdi lugaha la sii galeyso.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA