DHAGEYSO :-Ciidanka Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay Rag dhac ka geysanayeey Muqdisho

Maamulka degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay laba Ruux oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen Shacabka ku nool xaafado ka tirsan degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Raggaan la soo bandhigay ayaa watey Bustoolad been abuur ah oo laga sameeyey Alwaax,waxaana  sidoo kale Goobta lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Mobeeladii ay dadka Shacabka ah ka dhaceyn.

Goobta lagu soo bandhigayay ragaas waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,gudoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey,iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa waxa uu uga mahadceliyey shacabka Degmada Wartanabada sidii ay uga qeyb qaateen soo qabashada raggaas Burcad ah,waxaana ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan la Shaqeynta dowladda,isla markaana raggaas cadaalada lahorgeyn doono.

HALKAN RIIX KA DHAGEYSOW WARKA


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA