DAAWO: RW Kheyreoo Shaaciyay Hadal ka Nixiyay Guddoomiyaasha Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyey in uu jiri doono laxisaabtan dhab ah oo lala sameeyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir si amniga loo xaqiijiyo.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaasha ay horay ula kulmeen Madaxweyne Faramajo,isla markaana uu u sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadooda loona baahan yahay in ay waxka bedelaan.

“Runtii maalin dhaweyd madaxweynaha waad la kulanteyn wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadiina,waxana la idinka rabaa in aad dardargelisaaan,runtii Guddoomiye yariisow waxaa laga rabaa in Shaqada uu ka ceyriyo guddoomiyihii Shaqaysan waayo iyo Askarigii qalad gala ama anaga ay noo soo sheegaan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre”

HALKAN RIIX KA DAAWO MUQAALKA


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA