DHAGEYSO : Haweeney Si Naxdin leh isugu Daldashey Magaalada Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen dadka kunool degmada Yaaqshiid Haweenay lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed oo heysatay labo carruur ah ayaa xalay isku daldashay Degmadaasi

Eheladda Haweenayda ayaa Risaala u sheegay in falkaan uu ka dhacay dhisme ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la garanayn wixii ku kalifay in ay is disho.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa la sheegay haweeneydan in ay la tacaaleysay xanuunka dhimirka.

Macalin Cabdulle Macow oo ka mid ah Eheladda Haweenayda waxa uu xaqiijiyay in muddooyinkan dambe ay haweeneydan xanuunsaneysay, balse markii ugu dambeysay ay xaaladeedu ahayd mid degan, isla-markaana aanay aqoonin waxa ku khasbay in ay is disho.

 HALKAN RIIX KA DHAGEYSO WARKA


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA