12 Sano kaddib Xaggee buu Yallaa Meydka Sadaam Xuseen ?

30kii December Sanadkii 2006dii waxaa Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq lagu del delay Madaxweyinihii hore ee dalkaas Saddaam Xuseen,kaas oo dalka Ciraaq xukumayay muddo rubuc qarni ah.

Markii la del delay Saddaam Xuseen Sheekha Qabiilka uu ka dhashay ee Albu Nasser, Sheekh Manaaf Cali Al Nidaa ayaa codsaday in Meydka Saddaam lagu wareejiyo.

Waxaana Warqad ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush lagu amray in marka la dilo kaddib si deg deg ah loogu wareejiyo ehelkiisa oo deggan Tuulada Al Awjah ee hoostagta Degmada Tikriit,halkaas ayaana lagu aasay.

Sanado badan kaddib waxaa ay hadda dood ka taagan tahay Meydkii Saddaam malaga bixiyay Qabrigii Al Awjah mise wali waa uu ku jiraa?

Saddaam Xuseen oo 69 jir ahaa ayaa horay uga dar daarmay in Tuuladaas lagu aaso marka uu geeriyoodo sidii ayaana loo yeelay.

Qabrigiisa waxaa sanad kasta booqda Taageerayaashiisii,waxaa hadda la isu diyaarinayaa booqashada Qabriga oo sanadkiiba mar la booqdo waxaana ay ku aaddan tahay 28ka Bishan April, oo ku beegan dhalashadiisii.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




NALA DAAWADA