War Deg deg ah : Qaraxyo Xoogan iyo Rasaas Goordhow laga maqlay Duleedka Muqdisho & Xaalad oo kacsan

Qaraxyo is xigxiga oo ka dhacay maanta deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho sida dadka deganka ay shegayaan.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Muqdisho u shegay iney maqlayeen laba qarax oo aan la kala garan Karin cida lala eegtay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, balse ay maqlayeen qaraxa kadib rasaas xoogan oo dhaceysay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida lagu weeraray qaraxa, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Somaliya oo marayay deegaanka ceelasha ee duleedka Muqdisho.

War lagu baahiyay Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxyadaasi iyo in ay laa begsaden Cidanka Xasilinta Qasarona ay garsiyen, balse ma cada warkaasi.

Inta badan al shabaab aya kordhiyay weerarada kala duwan ay ku qaadayan Ciidanka Dowlada Soomaaliya,iyado dilal kala duwan ay ka geystaan Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA