AKhriso : Gaas & Axmed Madoobe oo Wadda qorshe Halis ku ah dowladda Soomaliya

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu Khilaaf Siyaasadeed xiligaani ka dhextaagan yahay Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Khilaafkan ayaa curtay wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada Qadar kala dhexeysa xulafada Sacuudiga sida Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyada aan kor kusoo xusnay ayaa xoogeystay kadib markii labada maamul Goboleed ay qaadaceen go’aan ay dowlada Somalia ku qabsatay dhaqaale xoogan oo Imaaraadka Carabta ay dooneysay in dalka ay kasoo galiso dhanka Garoonka Aadan Cadde, taa oo gashay gacanta Hay’adda NISA.

Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo ka duulaaya go’aanada Dowlada ayaa sheegay inaanu aqbaleynin in dowlada Somalia ay kaligeeda ku dhaqaaqdo go’aan latashi la’aan ah.

Madoobe iyo Gaas, ayaa wixii intaa ka danbeeyay bilaabay aasaaska xulafo kasoo horjeeda Dowlada Somalia oo lagu eedeeyay inay ka weecatay la dhaqanka Dowlada Imaaraadka Carabta.

Qorshaha hadda socda ee labada Hogaamiye ayaa ah in isbaheysiga uu aasaaskiisa socdo lagu biiriyo Hogaamiyayaal kale oo ka taliya maamul Goboleedyada ka jira dalka, Siyaasiyiin Mucaarad ah oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka balse kasoo horjeeda Dowlada Federaalka.

Qorshaha cusub ee Hogaamiyayaasha ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sabab u aheyd khilaafka Dowlada iyo maamul Goboleedyada hadda isbaheysanaaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA