Maamulka Puntland oo Shaqadii ka Ceyriyay Gabadh Facebook Dowladda Somaliya ku Taageertay

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda maamulka Puntland, Cawil Xassan Daad ayaa shaqada ka ruqseeyay xubin ka tirsanayd hab-maamuuska Madaxtooyadda, ka dib markii ay taageertay Xukuumadda Soomaaliya  ee Nabad iyo Nolol.

Gabadhan oo lagu magacaabo Aamina Abdisalaam ayaa sheegtay in shaqada laga ruqseeyay, ka dib markii ay diiday iney joojiso taageerada Nabad iyo Nolol. Waxayna markii Xaaladani dhacday uga hadashay sidan.

“Puntland Goormay Danbi ka Noqotay Dawladda Federaalka Ha Taageerin Dareenkagana ha u muujin “.

Hadiiba Shaqadaydii Saaka oo Bishu ahayd 12/5/2018  La iiga Ruqseeyay Maxaa Dawladda Federaalka u taageertay waa Arin Ugub ah”

Maxaa Naloo yiri Puntland waa Dimuqaraadi””  Adeerayaal Booskii waa Banaan yahay Qofkii Caburin iyo Caga Juglayn Raboow, Dalku waa Nabad Iyo Nolal 🇸🇴.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA