XOG : Dowlada Imaaraadka oo si deg deg ah Xariirka ugu Jareysa Somalia Kadib Safarka Farmaajo ee Qatar

Dowlada Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay soo dadajiso Go’aanka ay xiriirka ugu jareyso Dowlada Federaalka Soomaaliya ka dib safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu ku tagayo Dalka Qatar.

Diblumaasiyiin falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha ee Qatar uu sabab u noqon karo inuu sii xumaado xiriirka liita ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa hore u sheegay in dowlada Qatar ka dambeyso khilaafka xoogan ee xiligan ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wasiirka ayaa isweediiyay ilaa xiliga uu sii socon karo khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna xusay in dowlada Qadar ka faa’iideesatay khilaafkan gadaalna ka riixeyso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa markuu tago dalka Qatar inuu kulamo la qaato Madaxda ugu sareysa dalkaasi, iyadoo laga yaabo in Qatar qudheeda ay la wareegto Mashaariic ay Soomaaliya ka waday Imaaraadka taasoo iyana soo dhaweyn karto inay kala fogaadaan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA