DAAWO Subxanallah : Hooye ,Aabe iyo Caruurtiisa oo Weerar Qaraxyo ah ku qaaday Kaniisad

Booliska dalka Induniisiya ayaa sheegaya in xubno ka wada tirsan hal qoys ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saddex kaniisadood oo ku yaalla magaalada Surabaya.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah.

Sida ay boolisku sheegayaan qoys ka kooban aabe iyo shan carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood.

Taliyaha booliska Surabaya, Tito Karnavian, ayaa sheegay in aabaha qoyska iyo saddex wiil oo uu dhalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood, halka xaaskiisa iyo labo carruur ah oo kale ay isku qarxiyeen kaniisad kale.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUQALKA

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA