DAAWO : Waa Kuma Wiil-kii Mootada Bajaajta Waday ee Saaka lagu Toogtay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo watay labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa goordhaweyd waxa ay wiil dhalinyaro ahaa oo waday mooto Bajaaj ay ku dileen isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Labada gaari waxaa saarnaa ciidan aad u hubeysan oo Militeri ah waxaana watay nin oday ah, oo ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sida ay ay xaqiijiyeen goob-joogayaal Ciidamadda ayaa rasaas si bareer ah ugu furay Wiilka dhalinyaradda ahaa kaasi oo wadada marayay.

Ciidanka ayaa markii hore isku dayay in ay ka tagaan dhaawaca wiilka dhalinyarada ah balse dadka goobta ayaa Jeneraalka ku qayliyay in uu qaado,waxaana ugu dambeyntii laga qaday goobta.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUQALKA

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA