DEG DEG :-Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay Dagaal Toos ah uu la gali doono Al Shabaab

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayib Ordogan oo khudbad ka jeedinayay magaalada Reading ee dalk Uk ayaa uga mahadceliyay dowladda Britain xiriirka kala dhaxeeya Turkiga marka ay timaado la dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Madaxweyne Ordogan ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa dalalka Syria, Iraq, Afganistan iyo Somalia, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii meesha looga saari lahaa dhammaan waxa loogu yeero Argaxisada ee ka dagaalama dalalkasi.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo beegmaya, xilli dhawaan Al Shabaab ay sheegeen in Turkiga ay ula dagaalami doonaan sida AMISOM oo kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA