XOG : Fahad Yasiin oo Hormuud ka ah Heshiisyo Guul u ah Qatar Imaaraadkana Cabsi gelinaya

Warar hoose ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin uu gar wadeen ka noqon doono Heshiisyo waa weyn oo ay kala saxiixan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaani.

Fahad Yaasiin ayaa door weyn ka cayaaray guushii uu Madaxweyne Farmaajo ka gaaray doorashadii uu ku hantay Xilka Madaxweynaha ee 8-dii bishii February ka dhacday Magaalada Muqdisho tan iyo markaasna wuxuu saameyn culus ku leeyahay Heshiisyada waa weyn ee Dowlada saxiixdo ama ay iska diido, wuxuuna si gaara ula shaqeeyaa Dowlada Qatar uu u yahay Wakiilkeeda qarsoon ee arrimaha Soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo dalka ka maqnaa markuu dhoofayay Wafdiga Madaxweynaha ayaa kaga sii hormaray Magaalada Doha ee dalka Qatar, wuxuuna kaalin muuqata ku leeyahay wada hadal Mashruucyo waa weyn iyo Heshiisyo Taariikhi ah ay ku kala saxiixan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar.

Fahad Yaasiin ayaa u ololeynaya in Dowlada Soomaaliya ay xiriirka u jarto Imaaraadka wuxuuna doonayaa in Mashruucyadii Imaaraadka ka waday Muqdisho lagu wareejiyo Dowlada Qatar oo balanqaaday inay si dhaqso ku fulin doonto.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA