DEG DEG : Puntland oo Soo bandhigtay Gadiid Dagaal ay Sheegtay inay ka qabsatay Somaliland

Iyada oo saaka Ciidamo ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Somaliland ay ku dagaallameen degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool  ayaa waxaa ay labada dhinac ka sheegteen guulo.

Haddii aan ku hormarno dhinaca Maamulka Puntland waxaa ay sheegeen in 3 Askari ay dhankooda ka dhimatay 11 kalena ka dhaawacmeen iyaga oo ka gaabsaday dhinaca kale waxa ay ka ogyihiin.

Waxaa ay soo bandhigeen 3 Gawaarida dagaalka ah oo ay sheegeen in ay ka furteen Ciidamada Somaliland ee kula dagaallamay degaanka Tukarraq.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegay in Ciidankooda ay guul ka gaareen dagaalka Tukarraq islamarkaana ay fariiso hor leh kala wareegeen Ciidanka Puntland.

Waxaa uu sheegay in khasaare uu dhinacooda ka soo gaaray dagaalka hase yeeshee aan wali la sameyn tirakoobka dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay dhinaca Maamulka Somaliland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA