DEG DEG : Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Sheegay in Somaliland dagaalka lagu Jabiyey

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya Aaga Tukaraq lagu jabiyey ciidamada maamulka Somaliland oo uu sheegay inay soo duleen.

Wasiir Qarjab ayaa ku eedeeyey maamulka Muuse Biixi wuxuu ugu yeedhay colaad hurin iyo dhiig Soomaaliyeed oo isku daata, Wuxuu sheegay in ciidankoodu ay jabiyeen kuwa Somaliland isla markaana dagaalku uu si xoogan u soconayo.

Maamulka PL ayuu sheegay inay iyagu iska daafaceen weerar uga yimid dhanka Somaliland.

Taliyaha ciidanka maamulka Somaliland ayaa isaguna dhanka PL ku eedeeyey weerarka dagaalku ka dhashay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA