DHAGEYSO : Dagaalkii Tukaraq oo Xoogeytay iyo Ciidamada oo lasoo baxay Taangiyada Dagaalka

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool saaka dagaal ka bilowday ayaa hakad kuyimid kadib markii Raxmada Alle ay ku hoortay goobtii uu dagaalkaasi ka socday.

Dagaalkii saaka ayaa lagabada maamulba ay ka sheegayaan guulo waxaana jira khasaare dhimasho iyo Dhawac oo ka dhashay dagaalkii saaka dhacay

Inta la xaqiijiyey 30 ayaa ku geeriyooday 50 kalana waxaa soo gaaray dhawac labada maamulba sida ay u xaqiijiyeen Goobjoogayaal ka tirsan ciidamada Difaaca ee labada maamul.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliland ayaa sheegay inay qabsadeen 2 Gaari oo nooca dagaal ah sidoo kalana ay jab u gaysteen maamulka Puntland.

Dhinaca kale Puntland ayaa sheegtay inay Guul ka gaareen dagaalkii saaka ay lagaleen Soomaaliland iyagoo sheegay inay soo qabteen Maxaabiis iyo Gadiid dagaal ayna dhawaan saxaafada u soo Bandhigidoonaan.

HALKAN RIIX OO KA DHAGEYSO DAGAALKA

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA