(DAAWO) :-Nin Cunsuri ah oo Aflagaadeeyay Gabar Muslimad ah oo loo diiday in Kafeey laga iibiyo

Shaqaale ka hawl-galo Dukaan lagu iibiyo Kafayga oo ku yaalla magaalladad Riverside ee Gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu diiday in nin Caddaan ah laga iibiyo Kafeyga, kadib, markii uu aflagaadeeyey Gabar Muslimad ah oo xirnayd Indha-shareer ama Naqaabka.

Dhacdadab waxaa la sheegay inay Jimcihii la soo dhafaay ka dhacday Dukaanka lagu magacaabo Coffee Bean & Tea Leaf shop oo ku yaalla magaalladda Riverside ee Bariga magaalladda Los Angeles, sida uu baahiyey Telefishinka KTLA-TV

Nin ku sugnaa Dukaanka ayey u suurto-gashay inuu Mobalkiisa Smartphone-ka ah ku duubo Muuqaalka, oo uu ku lug lahaa hal nin oo aflagaadeeyey Haweeney Muslimad ah oo Naqaab madow, iyo Xijaab ku hagoognaa wejigeeda, marka laga reebo Indhaheeda.

Codka laga maqlayo Muuqaalkaasi waxaa ka mid ah Gabadha Muslimadda oo ninki u gefay ku oranaysa: “Ma og tahay inaan Muslim ahay”, waxayna u sii raacisay haddii uu iyada dhibaato ku qabo.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUQALKA

Fikradaha Akhristayaasha (0)




NALA DAAWADA